US AFRICOM: ”Ruushku wuxuu 14-diyaaradood ka dejiyey dalka Libya!” – Arag sawirrada dayax-gacmeedka dagaal wakaaladeed culus oo Libya ka socda!

0

(Tripoli) 28 Maajo 2020 – Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay inay 14 dayuuradood oo aan calaamaysnayn oo ay Ruushku leeyihiin ay kasoo degeen saldhig-cireedka Al-Jufra ee Libya.

Taliska US AFRICOM ayaa intaa raaciyey xog ku saabsan dayuurado iskugu jira MiG 29 iyo SU-24 oo dhowr jeer oo kala duwan kasoo duulay Ruushka, iyagoo yimid Hmeimim Airbase oo Suuriya ah, halkaasoo looga tiray astaamihii ku qornaa kaddibna loo duuliyey Libya iyadoo ay gelbinayaan dayuuradaha Ruushku iyagoo shidaal kasii qaatay Tobruk.

“Ugu yaraan 14 dayuuradood oo aan wax calaamad ah wadanin ayaa deeto laga dejiyey Al Jufra Air Base oo ka tirsan Libya.” ayuu raaciyey Taliska AFRICOM.

AFRICOM ayaa sidoo kale sheegay in Ruushku halkaa u diray Talaadadii, si ay u taageeraan calooshood u shaqaystayaasha Wagner Group oo u dirira Haftar, waloow la sheegay inay qaar badani dhinteen qaarna ay halkaa iskaga carareen.

Libya oo u muuqata meel uu ka socdo dagaal wakaaladeed heer caalami ah ayaa waxaa sidoo kale hub fara badan Dowladda GNA siiyey Turkiga, halka reer Galbeedku marka laga reebo Faransiiska ay u muuqdaan kuwa weli dersaya doorkii ay qaadan lahaayeen.

Hadalsame Media