Galmudug oo soo saartay go’aan naadir ah oo ka dhan ah kooxda Shabaab

0

(Gaalkacyo) 28 Maajo 2020 – Wasiirka Amniga Maamul-goboleedka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in ganacsatada iyo shacabka reer Galmudug ay uga digayaan in ay Al-Shabaab siiyaan lacagaha loogu yeero ”Sakawaadka” oo uu ku tilmaamay inay tahay baad shacabka in muddo laga qaadayey.

Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in sida Al-Shabaab ula dagaalamaan oo kale ay ula dagaalami doonaan dadka Al-Shabaab siiya lacagaha baadda ah.

Deegaano ka tirsan Galmudug ayaa la sheegaa in Al-Shabaab ay ganacsatada iyo shacabka uga qaadaan lacago baad ah iyo xoolaha, waxaana dhowr jeer dhacay isku dhacyo dhex maray dadka deegaanka iyo Al-Shabaab oo la xiriiray qaadista lacagaha xoogga ay uga qaadanayaan.

Wasiirka Amniga Maamul-goboleedka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi, ayaa Waxaa uu sheegay in dhowaan ay Baarlamaanka Galmudug horgeyn doonaan sharciga la dagaalanka Argagixisada, si ay wax badan uga bedelaan qorshaha lagula dagaalamayo Al-Shabaab iyo cidda taageerta.

Tillaabadan ayaa ah mid naadir ah oo ay hirgelinteedu u baahan tahay wada shaqayn adag misna daacad ah oo ka dhex dhacda DF, Maamullada iyo dadwaynaha.

Hadalsame Media