Midowga Yurub oo soo dhoweeyay arrin uu Maamulka Galmudug kaga fiicnaan doono maamullada kale haddii…

0

(Dhuusamareeb) 28 Maajo 2020 – MW Maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa bilaabay mubaadaro ku saabsan in la daadejiyo maamulka oo la gaarsiiyo min degmo, tuulo, beel, waax ilaa tabbeelle.

Arrintan oo ay la socoto in la doorto Golayaal degaan maxalli ah oo ay dadku soo doortaan ayaa waxaa soo dhoweeyey Midowga Yurub.

Danjiraha Midowga Yurub ee Somalia, Md Nicolas Berlanga, ayaa barta rasmiga ah ee Twitter kusoo qoray sidatan:

”Waxaan la sheekeystay MW Galmudug ee “Qoorqoor” si aan taageero ugu muujiyo mubaadaradiisa ku aaddan samaynta goleyaal degaan,”

”Waa hab cajiib ah oo lagu hormarinayo inay muwaadiniintu doorkooda ka ciyaaraan Galmudug-ta cusub. Waxaanna ku boorrinney muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo ka mid noqoshada haweenka ee golayaashan cusub.” ayuu daba dhigay.

Somalia oo uu ka jiro hannaan federaal oo aan wadanin sharciyadda umadda, maadaama aan afti loo qaadin dhaqan-gelintiisa, ayaa waxaa isagiina afduubay nimanka maamula, iyadoo uu iminka Maamul-goboleedka, oo noqday meel qabyaaladda, qaybsanaanta umaddu ku kobacdo, uu kusii koobmayo ninka Madaxwaynaha ka ah oo wixii uu doono iska sameeya, iyadoo aanay jirin hay’adihii la xisaabtami lahaa sida Baarlamankii iyo garsoorkii.

Yeelkeede, tillaabadan Galmudug ayaa ah mid sumcad usoo jiidaysa maamulkaasi, haddi si dhab ah oo daah-furan loo dhaqan geliyo.

Hadalsame Media