QARAX SIYAASADEED: Faysal Cali Waraabe oo sheegay dabuub duqaynaysa aragtidiisa siyaasadeed! (Dood is khilaafsan)

0

(Hargaysa) 28 Maajo 2020 – Faysal C Waraabe oo muddo dheer ku magacaaban Guddoonka Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa qarax siyaasadeed ridey kaddib markii uu ka hadlay khilaafka ka dhex oogan madaxda sare ee Puntland.

Faysal oo saxaafadda maxalliga ah maanta la hadlay ayaa ku dooday in aanu jirin wax uu Md Karaash oo MX iminka ka ah Puntland uu ”halkaa ku darsaday”, sida uu sheegay.

Faysal C Waraabe oo dooddiisu markii hore u ekayd mid ku salaysan inuu aaminsan yahay in Axmed Karaash uu ka tirsan yahay Maamulka Somaliland ayaa dooddii mar qura u rogey mid qabyaaladaysan oo aan micne samaynayn.

”Been lagu heshiiyey socon mayso, Karaash iska soo eri sidii Dhoobo-daareed, waa sida Baashe-han aannu qaatiga ka joogno, balse Deni wuu naga fariidsan yahay, annaga ayay nafta noo keeneene.” ayuu ku dooday Faysal oo sheegay inuu Deni arrintaa ku ”hambalyaynayo.”

Doodda Faysal C Waraabe ayaa gebi ahaanba kasoo horjeedda aragtida uu xisbigiisu u jiro oo ah jiritaanka maamul la yiraahdo Somaliland oo ka kooban qabaa’ilka nimankan uu ku tilmaamayo kuwo marti ah.

Somalia ayaa wixii burburkii ka dambeeyey ceel afwayn iyo booraan hadimo ugu dhacday siyaasiyiin aan hadaf, hammi, hiraal iyo han toona lahayn oo umaddii u kala goobaynaya qabaa’illo is neceb, si ay dano rakhiis ah oo shakhsi ah u gaaran.

Hadalsame Media

Facebook Comments