Kooxda Liverpool oo qandaraaska u kordhisey laacib Soomaaliyeed oo hibo kubadeed leh + Sawirro & Muuqaal

0

(Liverpool) 28 Maajo 2020 – Kooxda Liverpool ayaa qandaraaska u kordhisey laacibka boosaska badan ee Soomaaliga ah ee Abdi Sharif.

19-jirkan ayaa kooxda Merseyside kusoo biiray isaga oo 6-jir ah, isagoo qandaraaskiisii ugu horreeyey ee xirfadlenimo saxiixay xagaagii tegey uun.

Yeelkeede, waxaa dhulka dhigay dhaawac halis ahaa oo jilibka ka gaarey, intii lagu jirey is diyaarintii xilli-horaadkii tegey, isagoo haatan dhaawacaa kasoo kabsaday isuna diyaarinaya fasalka uu karoonuhu ciriiriga ku hayo ee 2020-21.

Wiilkan oo kusoo koray Toxteth ayaa wuxuu ka dheeli karaa dhowr boos, sida khadka dhexe, daafaca dadabka midig iyo xitaa dambeedka dhexe, wuxuuna ka mid ahaa junyarka Reds ee hantay FA Youth Cup qaybta U-18 sanadkii tegey ee 2019 isagoo kulan bilowgiisii u saftay U-23, isla sanadkaas bishii Jannaayo.

Hadalsame Media