Maydka 8 dhallinyaro ah oo lasoo dhigay agagaarka Balcad (Qaar Degmadaa caan ka ahaa oo ku jira & magacyadooda)

0

(Balcad) 28 Maajo 2020 – Wararka ka imanaya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in deegaanka Gololeey oo hoostaga degmadaas galabta la soo dhigay meydadka 8 qof oo dhallinyaro ah.

Dhallinyarada, oo qaarkood shaqaale ka ahaa xarun caafimaad oo ku taalla deegaanka, ayaa waxaa shalay afduubtay rag hubeysan, ayada oo kadibna meydkooda maanta lasoo dhigay laamiga deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dadkaas ay shalay wateen shan nin oo wejiyada soo duubtay, waxaana la rumeysan yahay in isla shalay la dilay, balse meydkooda maanta lasoo dhigay laamiga.

Dhalinyarada meydadkooda la soo dhigay deegaanka Gololeey ayaa waxaa kamid ah laba dhallinyaro ah oo caan ka ahaa degmada Balcad, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Cabdirisaaq Cabdullaahi Qobleey iyo Cumar Xuuti Filfil.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta keentay dhacadadan naxdinta leh, iyo weliba cidda ka damebysay afduubka iyo dilka dhallinyarada.

Xigasho: Caasimadda Online

Hadalsame Media

Facebook Comments