MW Deni oo ogolaaday arrin uu horay u diiddanaa & Wararkii ugu dambeeyey ee khilaafka isaga iyo Karaash

0

(Garoowe) 27 Maajo 2020 – Waxaa beryahan aad loo hadal hayey khilaafka Madaxda sare ee Puntland, gaar ahaan dhanka xukuumad goboleedka maamulkaasi, sida Madaxweynaha Puntland iyo ku Xigeenkiisa.

Wararka halkaa iminka ka imanaya ayaa sheegaya in labada ninba lagu qanciyey inay kasoo degaan geedaha dhaadheer oo ay fuushan yihiin, gaar ahaan MW Deni oo markii hore ka caga jiidayey inuu waan-waan aqbalo.

Sida laga soo xigtey, Feysal Axmed Warsame, oo ah Guddoonka Dallad ay ku midaysan yihiin Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Puntland ee PUNSA ayaa sheegay inay dheceen kulamo gooni gooni ah oo ay iyagu la yeesheen MW Siciid Deni iyo Axmed Karaash, si khilaafaadka jira loo xalliyo.

Tillaabada xigta ayaa, sida uu Feysal sheegay, noqon doonta inuu qabsoomo kulan ballaaran oo fool ka fool ah oo labada nin dhexmara, maadaama ay ogolaadeen inay wada hadlaan, kaasoo uu sheegay inay fududaynayso isla dalladu.

Labada nin ayuu khilaafkoodu beryihii dambe aad usoo shaac baxay, kaddib markii degellada warbaahineed ee Puntland laga saaray tacsi uu diray MX Karaash kaddib geeridii Guddoonkii Mudug u qaabilsanaa Puntland.

Warar uu Hadalsame horay u helayey oo kuwan ka duwan ayaa sheegayey inuu Deni ku fikirayey inuu meesha ka saaro Md Karaash, balse arrintaa wuxuu kala kulmay mucaaradad dhinacyo badan ah oo lagu tusaaleeysey inay taasi dumin karto Maamulka Puntland, maadaama lagu dhisay qandaraas ay beelo wada galeen.

Hadalsame Media