SAWIRRO: Somaliland oo lagu wareejiyey gaadiid MUG u yeelaya awooddeeda la dagaallanka….

0

(Hargaysa) 27 Maajo 2020 – Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Adduunka ee FAO ayaa Somaliland ku wareejisey gaadiid ay ku rakiban yihiin buufiyeyaal muhim u ah la dagaallanka Ayaxa.

Deeqdan oo ay iska kaashadeen FAO Somalia iyo USAID Somalia oo maalgelisey, ayaa waxaa lagu doonayaa in lagu cirib tiro Ayaxa lama degaanka oo iminka fara ba’an ku haya meelo badan oo ka tirsan dalka Somalia.

Deeqda Somaliland la siiyey ayaa ka kooban 6 gaari oo ah kuwa dusha ka furan ee TOYOTA Landcruiser (Cabdi Bile), kuwaasoo midkiiba lagu xirey buufiyeyaal cayaayaan oo awood badan.

Waxaa guddoomey Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland, Md Axmed Muumin Saciid oo hay’adaha ku deeqay u mahad celiyey.

Hadalsame Media