Dayuurad Jarmanka laga leeyahay oo ay JAC wayni kula dhegtey Talyaaniga! + Sawirro

0

(Sardinia) 27 Maajo 2020 – Dayuurad ah nooca rakhiista lagu raaco oo laga leeyahay Jarmanka ayaa isku dayday inay u duusho Gasiiradda Sardinia ee Talyaania, balse waxay ku khasbanaatay inay dib usoo laabato maadaama uu weli garoonku xiran yahay.

Duullimaadka Eurowings duullimaadkeedii tirsigiisu ahaa EW9844 ayaa Sabtigii ka kacday gegada Dusseldorf iyadoo sameeysay socod dhan 730 mayl, kahor intii aanay gaarin Olbia Airport.

Yeelkeede, markii ay dayuuraddan oo ah A320 ay soo gashay hawada Sardinia, waxaa loo sheegay in Olbia aanu weli u furnayn dayuuradaha ganacsiga.

Dayuuraddan oo siddey 2 qof oo rakaab ah oo qura, ayaa ka fikirtey inay u weecato magaalada Cagliari oo 120 mayl u jirta, kahor intii aanay go’aansan inay dib ugu laabato Jarmanka.

Afhayeenka Eurowings ayaa CNN Travel u sheegay ‘in lagu jawahareersan yahay xog-siinta garoomada oo daqiiqad daqiiqad isu bedesha mararka qaar.’

Hadalsame Media