Lamaane Soomaali ah oo arrin la yaab leh sameeyey oo Uganda laga raadinayo

0

(Masindi) 27 Maajo 2020 – Howlwadeennada Caafimaadka ee Degmada Masindi ayaa raadinaysa laba qofood oo Soomaali ah oo ka baxsaday Isbitaal ku yaalla Masindi oo lagu karaantiilo dadka qaba Covid-19.

Ibrahim Muhamed iyo xaaskiisa Shamula Muhamed ayaa la sheegay inay isbitaalka ka dhuunteen Isniintii, sida uu sheegayo Dr Rogers Musinguzi, madaxa maaraynta kiisaska Covid-19.

Lamaanahan Soomaaliga ah ayaa laga soo kexeeyey goob ganacsi oo la yiraahdo Kijura oo ku taalla Masindi, waxaana la sheegay inay ka yimaadeen South Sudan oo ay Uganda kasoo galeen xadka dhanka Elegu.

Waxaana soo sheegay dadka degaanka, goortaasoo ay Booliisku soo qabteen si loo karaantiilo, yeelkeede, saacado yar kaddib waa la is waydiiyey halka ay ka bexeen.

Hadalsame Media