DAAWO: ”Hargaysa sida ay maanta tahay waxay dhaantey 1980-kii” – Xisbiga Waddani

0

(Hargaysa) 27 Maajo 2020 – Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa ka hadlay baaq bulsho oo ay soo saareen dhallinyarada Somaliland oo is waydiinaya halka ay wax u marayaan Maamulka Somaliland oo iskii ugu dhawaaqay madax bannaani aan la aqoonsan.

Khadar ayaa sheegay in la sameeyey isbarbardhigyo kala geddisan oo khuseeynaya sanado kala duwan , kuwaasoo ay qolaba doonayso inay moowqifkeeda u cuskato.

”Ma waxaynu eegnaa sidii aynu 91-kii ahayn oo aan deeto barbar dhignaa sida aanu maanta nahay, mise waxaannu eegnaa sidii aannu ahayn 1980-kii, deetana waxaannu barbar dhignaa maanta?” ayuu is waydiiyey Khadar.

”Xalay waddadaa Oktoobar baan soo maray, godadka ku yaalla inaad gaariba kaxaysaad nacaysaa? Waddada Cabbaaye waa sidoo kale. Dooxa Hargaysa caafimaad darrada iyo qashinka yaalla ayaad nacaysaa. Miyaannu u dabbaal degi karnaa in waddooyinka Hargaysa ee 80-kii ay ka fiicnaayeen kuwa maanta oo 40 sano kasoo wareegtey?” ayuu daba dhigay.

Khadar ayaa qiray in Somaliland ay wax qabsatay 1991-kii, balse loo baahan yahay in horay loo socdo oo aan kaliya middaa uun la daba socon.

Halkan hoose ka daawo….

Hadalsame Media