Midowga Yurub oo ka AFEEFTAY in dib loo dhigo Doorashada Qaranka ee 2021-ka (Cillad uu farta ku fiiqay)

0

(Muqdisho) 26 Maajo 2020 – Waxaa Somalia durba laga dareemayaa xumadda arrimaha Doorashada Dhexe oo lagu wado inay dhacdo sanadka soo aaddan ee 2021-ka.

Waxaa lagu ballansanaa in Gudigga Qaran ee Madaxa Bannaan ee Doorashooyinku uu Baarlamanka berri hor geeyo hindisaha iyo hab-raaca Doorashada dhexe, balse waxaa la sheegayaa in lala sugayo furmidda kal-fadhiga rasmiga ah ee Baarlamanka oo ku beeggan bil kaddib.

Haddaba, Danjirha Midowga Yurub ee Somalia, Md Nicholas Berlanga ayaa kasii afeeftamay saamaynta xun ee doorasho waqtigeeda ku dhacda ay ku yeelan karo taariikhda uu Baarlamanka hor tegayo Guddiga Doorashooyinka ee NIEC.

Madaxda XF Somalia ayaa loosoo jeediyey inay wax kasta u sameeyaan si ay xilkasnimo ku jirto isla markaana ka tarjumaysa danta guud ee dalka iyo dadka.

Hadalsame Media