Masar & Imaaraadka oo isku eedeeyey guuldarrada Libya (Masar oo hal arrin ka cabsanaysa)

0

(Qaahira) 26 Maajo 2020 – Masar ayaa la sheegay inay Imaaraadka ku canaanatay inuu isagu ka mas’uul yahay jabka Khaliifa Xaftar oo ay wada taageeraan kasoo gaarey dalka Libya.

Warqaadka London kasoo baxa Al-Araby Al-Jadeed ayaa ilo Masri ah kasoo koobiyey inay runtii “aad uga niyad jabsan yihiin” Imaaraadka oo “kaligii iska howlgalay.”

Wuxuu warqaadku intaa raaciyey in is eedeedkan ka dhex bilowday Qaahira iyo Abuu Dabeey uu yimi kaddib guuldarrooyinkii ugu dambeeyey ee ay Ciidamada GNA ee Dowladda Libya ay u gaysteen kuwa LNA ee Xaftar, gaar ahaan qabsigii saldhig-cireedka Al-Watiya.

Masar ayaa la sheegay in ay ka cabsanayso in Dowladda Libya ay Turkiga ka codsato inuu halkaa ka dhisto saldhig ciidan, taasoo qayb ka ah heshiiska iskaashi ee ay labada dal wada gaareen sanadkii hore.

Masar, Imaaraadka, France, Russia iyo Saudi Arabia ayaa wada taageera malliishiyaadka hoggaamiye kooxeedka Xaftar oo la dagaallamaya dowladda sharciga ah ee dalkaasi.

Hadalsame Media

Facebook Comments