DAAWO: Ciidamada AMISOM, Dowladda oo arrin halis amaan leh ka sameeya garoomada dayuuradaha

0

(Qansaxdheere) 26 Maajo 2020 – Waxaa shalaytoole diyaarad sidday sahay gargaar dawo ah lagu rasaaseeyey degaanka Qansaxdheere xilli ay doonaysey inay halkaasi ku degto, waxaana lagu eedeeyey kooxda Al Shabaab.

Bishan horraanteedii ayey diyaarad ku dhacday Bardaale taasi oo ay ku dhinteen lix qof. Mas’uuliyiinta maamulka ayaana sheegay inay ciidamada Itoobiya rasaaseeyeen diyaaradda, waxaana haatan socda baaritaan.

Sidaa darteed, waa markii 2-aad ee bishan Maajo gudeheeda dayuurad lagu rasaaseeyo gudaha Somalia, taasoo ah hab-dhaqan cusub oo aad u cilladaysan.

Waxaa haddaba soo baxaysa arrin naxdin badan, iyadoo la sheegayo in garoomadan macmalka ah qaarkood aanay cidiba ilaalinin xilliyada habeenkii, balse kaliya ay ciidamada Dowladda, kuwa Gobolka ama AMISOM ay goobta yimaadaan oo qura markii lagu soo wargeliyo inay dayuuradi soo fool leedahay.

Arrintaas ayaa haddii ay dhab tahay noqonaysa dayacaad amaan oo aad u halis badan iyo qar iska tuurnimo ka muuqata hay’aadka amaanka oo loogaya nafaha dadka dayuuradahaa saaran.

Hadasame Media