Wasiir Covid-19 ugu dhintay dalka Somalia (Xilkiisa & magaciisa)

0

(Muqdisho) 25 Maajo 2020 – Waxaa dalka Somalia cudurka Covid-19 ugu dhintay Wasiir Goboleed ka tirsan Maamul-goboleedka Puntland.

Wasiirkii Degaanka, Beeraha iyo Isbeddelka Cimilada, Ismaaciil Diiriye Gama’diid ayaa ku geeriyoodey magaalda caasimadda ah ee Muqdisho.

Wasiirka ayaa Muqdisho loo keenay si dawayn loogu qaado dalka dibeddiisa.

Dalka Somalia oo iminka ah midka 2-aad ee ugu kiisas badan Geeska Afrika ayaa waxaa laga diiwaan geliyey ku dhowaad 1,600 oo kiis, iyadoo ay cudurka karoonaha ugu dhinteen 61 qof oo ay madaxi ku jirto, sida xildhibaanno ka tirsanaa DF iyo Hirshabeelle.

Hadalsame Media