Kooxda Shabaab oo arrin dhiillo leh ka samaysay degaan ka tirsan Sh. Dhexe (Sidee wax u dheceen?)

0

(Mukay Dheere) 25 Maajo 2020 – War haatan soo dhacaya ayaa sheegaya in malliishiyaad ka tirsan kooxda Al Shabaabku ay weerar ku qaadeen ceel biyood ku yaalla degaanka Mukay Dheere.

Kooxda Shabaabka ayaa la sheegay inay dileen milkiilihii ceelka, wiilashiisiina qafaasheen, halka ay gubeen matoorkii ceelka, sida uu sheegayo war laga helayo ilo ku dhow goobta dhacdadan dhiillada leh.

Mukay Dheere oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa masaafo dhan 12 KM woqooyiga kaga beegan Degmada Balcad oo ku dhowaad 40 KM iyaduna woqooyi bari uga beegan caasimadda Muqdiso.

Arrintan ayaa ah fal-dembiyeed naxdin leh oo laga galay dad aan waxba galabsan oo aan ku jirin dagaal furan.

Hadalsame Media