DHEGEYSO: Muran ka taagan hadal kasoo yeerey MW Puntland oo xitaa khilaafsan siyaasadda isla maamulkaasi ku dhisan yahay

0

(Hadalsame) 25 Maajo 2020 – MW Maamul-goboleedka Puntland, Md Siciid Deni ayaa waraysi uu BBC-da siiyey ku sheegay in sida uu yiri ay DF Somalia ”colaado ka hurinayso” Maamulka Somaliland oo uu ku dooday inay gacan dhaaf ku samaynayso.

Doodda Deni oo moowjado shoog ah dirtay ayaa sida la fahamsan yahay ku salaysan agab caafimaad oo ay Buuhoodle geeyeen wefdi ka socdey DF Somalia oo uu hoggaaminayey Wasiirka Kalluumaysiga Cabdullaahi Bidhaan.

Wuxuuna hadalka Deni u dhacayaa in Buuhoodle ay ka tirsan tahay Somaliland, taasoo ah arrin siyaasad ahaan iyo istaraatijiyad ahaanba khalad ku ah inuu ku doodo qof ka tirsan Puntland iskaba daa Madaxwaynihii maamulka oo caadiyan ku dooda inay Buuhoodle isaga hoos timaado.

DF Somalia ayaa sidoo kale gargaar dawo ah ka dejiyey magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ee woqooyiga Bari Somalia.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Puntland, Md Dhoobo-daareed oo arrintan ka hadlay ayaa isagu dhinac kale sheekada ka ishaaray, isaga oo DF ku amaanay ugana mahad celiyey gargaarka ee meelahaa gaarsiisey.

”Waxaan maqlayey MW oo sheegaya in ay DF wax gaysey Buuhoodle, Badhan iyo Galdogob, taasi dhadhan kale bay dhadhamaysaa, waxaadna mooddaa inuu aad halkaa ugu barriiqday,” ayuu yiri.

Wuxuu tilmaamay in DF ay weliba isaga oo joogo 1 milyan siisay Qardho, Gaalkacyana ay deeqo kale gaarsiisey, magaalooyin badanna ay garoomo ka dhistay sida Boosaaso iyo Garoowe. ”Daawo yar oo meelahaa la geeyey soow u dhadhami mayso inuu dadka qaar wax u diiddan yahay.” ayuu is waydiiyey Dhoobo-daareed oo sheegay in magaalooyinkaa uu sheegayo ay ka mid yihiin dadkii uu isagu kala diray oo uu midnimadooda dhantaalay.

”Puntland waxaad kusoo koobtay laamiga inta deggan, taasaan xitaa hadda gacan kuugu wada jirin, ee Ilaahay umadda qof kale ha u bixiyo.” ayuu yiri Dhoobo-daareed oo sheegay in sida uu u dhigay uu Deni xitaa dawadii u quuri la’yahay meelaha qaar wax kalaba ha joogtee.

Hadalsame Media