DAAWO GOOGOOSKA: Xulka Talyaaniga oo hantay Koobka eEuro2020

0

(Roma) 25 Maajo 2020 – Talyaaniga ayaa ku guulaystey tartan-danabeedka eEuro2020, kaddib markii uu dhamaadka dhegaha uga jafay dalka Serbia, noocii ugu horreeyey tartankan European eFoot.

Tartankan oo la wada ciyaaray todobaad-dhamaadkan ayay ka qayb gelayeen 16 qaran, kuwaasoo dheelayey ciyaar-gacmeedka ay diyaariso Konami ee eFootball Pro Evolution Soccer 2020 ee PlayStation 4.

Italy ayaa ku guulaysatey Group B kaddib markii ay 5-1 dirtay Denmark kaddibna ay 6-5 ku garaacday Serbia.

La Nazionale ayaa deeto Israel 2-0 kusoo dhaafay rubuc-dhamaadka, kaddibna inta aanay isla natiijadaa oo kale nus-dhamaadka ku reebin Faransiiska.

Talyaaniga ayaa deeto dhamaadkii 3-1 ku quusiyey xulka Serbia, si uu u hanto ciyaar-gacmeed caalami ah midkii abid ugu waynaa.

Ciyaaraha noocan ah ayaa soo batay tan iyo markii uu dunida dhulka dhigay caabuq sidaha Covid-19, iyadoo dib loo dhigay Koobka Qaramada Yurub ee Euro 2020 oo xagaagan qabsoomi lahaa.

Hadalsame Media