Kooxdii ugu halista badnayd ee taageereysey maliishiyada Xaftar oo Libya iskaga carartay + Sawirro

0

(Tripoli) 25 Maajo 2020 – Duq magaalo maxalli ah ayaa kashifay in kooxda Wagner Group oo ah calooshood u shaqaystayaal Ruushan ah, oo ka garab dagaallama maliishiyada Jen Khalifa Haftar, ay dalka iskaga carareen.

Salem Alaywan, Duqa magaalada Bani Walid ayaa TV maxalli ah u sheegay in 3 dayuuradood oo sida canaasiirta Wagner ay ka duuleen bariga dalkaasi.

Gayfanayaal kooxdan diiddan oo ku sugan magaalada Bani Walid ayaa soo bandhigay muuqaallo muujinaya maliishiyaadka Wagner Group oo magaalada sii dhaafaya kaddib markii ay kasoo carareen dagaallo ka dhacay koonfurta Tripoli.

Ciidamada GNA oo meelo badan ka qabsaday Xaftar ayaa maalmahan soo bandhigayey muuqaallada maydadka calooshood u shaqaystayaashan oo dagaalladii dhacay ku dhintay.

Dowladda GNA oo weerarro kala kulmaysey Hoggaamiye-kooxeed Xaftar tan iyo Abriil 2019-kii, ayaa qaadday Ololaha Duufaanta Nabadeed 26-kii Maarso, si ay isaga difaacaan weerarro uga socdey caasimadda Tripoli iyo woqooyi Galbeed Libya.

MW Turkiga ee Recep Tayyip Erdoğan ayaa horay u sheegay inay Libya ka diriraan in ka badan 2,000 oo calooshood u shaqayste oo ka tirsan kooxda halista ah ee Wagner oo dalal badan ka badan dagaallo wakaaladeedyo dano badan ah.

GNA ayaa kaddib ridintaankii Moammar Gadhafi ee 2011-kii, waxaa heshiis ay hoggaamineysey QM lagu sameeyey 2015-kii.

Hadalsame Media