DAAWO: Muuqaal naxdin leh oo laga qabtay jid ka mid kuwa magaalada Muqdisho

0

(Muqdisho) 25 Maajo 2020 – Waxaa lagu jiraa xilligii Ciidul Fidriga Soonfurka oo ka mid ah labada Ciidood ee ugu waawayn Muslimiinta, waxaana Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ka mid ah sawirro cabsi leh balse ay dadku yaraysanayaan.

Da’yarta ayaa sanad kasta xilligan oo kale waxaa fursad loo siiyaa fursad loo siyaa inay si silloon uga qayb qaataan farxadda Ciidul Fidriga.

Waxaana suuqyada lagu soo fasaxaa kumannaan sheey oo ah qoryo boombale ah oo ay qaarkood leeyihiin baaruud wax u dhinta indhaha ilmo badan oo isku rida, iyada oo aysan waalidiintu siinin hab-raacyo adag oo halista lagu xakamaynayo.

Waxaa intaa dheer in carruur ku barbaaraysa goob ay markii horeba ka jireen dagaallo gacan ka hadal ah oo micne darro ah lagu daawado inay isu sii diyaariyaan sidii ay ku noqon lahaayeen xaabadii berri lagu shidi lahaa dagaalladaasi.

Halkan hoose ka daawo muuqaal runtii naxdin leh, balse aan cawaaqibkiisa lagu baraarugsanayn.

DF, Maamullada Somalia ka jira iyo ganacsatada waxaa uu waajib akhlaaqi ah iyo mid istaraatiji ihi ka saaran yahay in arrintan sida ugu dhaqsaha badan wax looga qabto, oo da’yarta lagu ciyaarsiiyo wax caqligooda iyo garaadkooda kobcinaya oo silmi ah.

Hadalsame Media