Turkiga oo magaciisa sheegay nin howl muhim ah Somalia ka hayey oo la diley

0

(Ankara) 25 Maajo 2020 – Wasiiirka Arimaha Gudaha Turkiga, Suleiman Soylu, ayaa boggiisa Twitter soo geliyey nin samafale ahaa oo ceelal biyood ka qoday dalka Somalia oo Turkiga lagu diley.

Ninkan oo ceelasha uu waqfay ka sameeyey meelo ay ka jirto biyo la’aan baahsan ayaa lagu magacaabi jirey Ahmet Alp Taşdemir, isagoo sidoo kale Booliis ahaa.

Ahmed ayaa ku dhintay howlgal ka dhacay Diyarbakır oo lagula dagaallamayey kooxda argagixisada ah ee PKK.

Turkiga ayaa Somalia ka fuliya mashaariic kala geddisan oo samafal ah oo lagu caawinayo dadka danyarta ah iyo Dowladda iyo maamullada dalka.

Ninkan ayaa sida uu Wasiirku sheegay waxaa la diley 2017-kii, balse lama ogayn shaqadan uu Somalia ka qabtay.

Hadalsame Media