Horyaalka La Liga oo af-Soomaali ku maamuusay maalin muhim u ah Afrika (Maxay tahay?)

0

(Madrid) 25 Maajo 2020 – Maaanta waxaa dunida laga xusayaa Maalinta Qaaradda Afrika, taasoo sanadkii maanta oo kale 25-ka Maajo la maamuuso.

Maamulka Horyaalka dalka Spain ee La Liga Primera Division ayaase sameeyey arrin ay ku farxeen kuna faanayaan Soomaalidu kaddib markii Af Soomaali loo adeegsadey maamuuska maalintan muhimka u ah qaaradda madoow.

Waxaa bogga rasmiga ah ee La Liga lagusoo qoray sidatan: ”Aad ayaan ugu han weynahay dhamaan ciyaartoydeena Afrikaanka ah! Maalinta Farxadda Afrika!”

Maalinta Afrika (Africa Day), waxaa lagu xusuustaa dhismihii ururkii Midowga Afrika ee OAU (hadda AU), kaasoo ay Somalia ka mid ahayd 13 Madaxwayne oo saxiixay baaqii lagu sameeyey 15-kii Maajo 1963-kii.

Hadalsame Media