”Wuxuu ahaa ninkii i baray aayad Qur’aan ah oo micne wayn leh!” – Ulf Boström

0

(Gothenburg) 23 Maajo 2020 – Saxaafadda Sweden ayaa aad uga hadlaysa geeridii Allaha u naxariistee Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Muxidiin Celi oo shalay ku dhintay magaalada Gothenburg, taasoo ah geeri ruxday quluubta Soomaalida Sweden.

Sheekh Cabdiraxmaan oo ahaa Imaam, doodyahan bulsho oo aad u diiddanaa xag-jirnimada, macallin iyo xubin ka tirsanaa ururka Islamic Sunni Center ee xaafadda Bergsjön ayaa ifka uga tegey 6 carruur ah, isagoo 49-jir ah ayuuna geeriyoodey AUN.

Sheekh Cabdiraxmaan oo sidoo kale ahaa macallin afka hooyo ka iskuulka Bergsjöskolan, ayay maamule Eva Andersson Berglund qeexaysaa sida uu u ahaa nin la jecel yahay.

”Wuxuu ku fiicnaa xallinta khilaafka, gaar ahaan arrimaha waalidiinta ay carruurtu u dhigato iskuulka. Wuxuu dadka ku qaabili jirey si xushmadi ku jirto oo aan isla waynin lahayn,” ayay tiri, iyadoo sheegtay inuu habeen oo idil ku qaatay sidii uu wiil u socda ku biirista ISIS uga dhaadhicin lahaa inuu ka joogo, taasoo uu ku guulaystey.

Tusaale looga daydo xaafadda Biskopsgården

33-year-old Ayuub Maxamed oo 33-jir ah kana mid ahaa xerta Sheekha ee Bergsjön ayaa ku tilmaamay tusaale uu raaci jirey markii uu ku barbaarayey Biskopsgården. Ayuub wuxuu haystaa laba digrii jaamacadeed, wuxuuna ka shaqeeyaa daryeelka caafimaadka, taasoo uu qabo inuu door ku lahaa Imaamku.

”Wuxuu i fahamsiiyey in dunidu ay ka wayn tahay degaanka Biskopsgården.” ayuu yiri.

Cabdicasiis Cabdulqaadir, Khasnajiga Jamciyadda Da’yarta Neutrala Ungdomsföreningen, ayaa fikraddaa la qaba Ayuub.

”Wuxuu tusaale u ahaa dad badan, wuxuu ahaa caalim yaqaan diinta Islaamka oo talo fiican siin jirey dadka. Qof culus ayay waayeen dad badani,” ayuu yiri Cabdi.

Ulf Boström, oo ka tirsan qaybta is-dhexgalka Booliiska, xubinna ka ah Golaha Degaanka Göteborg, ayaa sheegay inuu Sheekha yaqaanney 15 sanadood, isla markaana uu isbitaalka ku booqday intii aanu dhiman.

”Weligii qofna si xun ugama hadlin, wax kasta oo uu noqdo, iyo wax kasta oo uu ku sameeyo. Wuxuu ku gaabsan jirey ”waa dad lunsan”. Wuxuu ahaa nin aan isla waynayn oo caqli badan. Waa ninkii ugu horreeyey ee i baray in aan Islaamku rumaynta dadka ku khasbin.” ayuu yiri Ulf Boström oo sheegay in la waayey xubin wax ku ool ahayd oo bulshada ka tirsan.

Ulf Boström

 

Hadalsame Media