DAWADA DURAYGA C-19: Shiinaha oo diyaariyey tallaal ay dadku u guuxeen & Maraykanka oo ka didsan

0

(Beijing) 22 Maajo 2020 – Tallaal lagula tacaalo coronavirus oo ay tijaabadiisa ka qayb galeen 108 mutadawac oo Shiinaha u dhalatay ayaa si wanaagsan loogu guulaystey isagoo soo saaray difaac-jireedkii loo baahnaa, sida ay daraashaddu muujinayso.

Dadka tallaalka la siiyey ayuu jirkoodu soo saaray lid-jireedkii loo baahnaa, taasoo ah astaan wanaagsan oo muujinaysa in uu tallaalku shaqaynayo, balse weli waa yara deg deg in si buuxda loo hubiyo.

Tallaalkan oo ay samaysay CanSino, ayaa ahaa midkii 1-aad ee tijaabada gala sanadkan – isagoo bilo ka horreeyey tallaalada ay tijaabinayaan dalalka kale sida kan UK – oo Oxford University lagu samaynayo – ama Maraykanka oo ay waddo hay’adda tiknolojiyadda noolaha ee Moderna.

Inta badan dadkii tallaalkan lagu duray ayaa soo saaray lid-jireedyo loogu tala galay inay fasaqaan fayruska si aanu u afduubin habka shaqo ee unuga noolaha uu ku duulo, waloow uu weli aad uga hooseeyo heerkii ama cadadkii loo baahnaa.

Cilmi baarayaasha ayaa arkay inuu sare u kacayo hannaanka daafaca jirka ee loogu yeero T-Cells, oo caawin karta kahortagga caabuqa fayruskan.

Yeelkeede, waxaa sidoo kale la socda waxyeello (side effects) uu tallaalkani qofka uga tegayo, sida xanuun, murqa xanuun iyo qanyo, balse way baaba’ayaan 28 maalmood kaddib, mana lasoo werin wax intaa dhaafsiisan oo dhibaal ah.

Tijaabadan rejada leh ee tallaalkan Shiine sameega ah oo la yiraahdo Ad5, ayaa iminka kaalinta 1-aad caalamka uga jira, balse weli sheekadu waa uun rejo, sida uu qoray DailyMail.com.

Sidoo kale lama oga inay dunidu wada aqbali doonto xitaa haddii lagu guulaysto, iyadoo aan la hubin in laga ogolaan doono Maraykanka oo ay Wasaaraddiisa Caafimaadku diiddey inay gebi ahaanba ka hadasho markii la waydiiyey.

Hadalsame Media