Sucuudiga oo go’aan la yaab leh kasoo saaray waxa laga yeelayo Salaadda Ciidda!!

0

(Maka) 23 Maajo 2020 – Mu’adiniinta masaajidda Sucuudiga ayaa loo fasaxay inay ku dhawaaqaan takbiirta Ciidul Fidriga, marka Salaadda Subax laga boxo balse ma jiri doonto wax salaad ah oo masaajidda lagu oogi doono.

Wasaaradda Umuuraha Islaamka ayaa imaamyada dalka ugu baaqday in aan wax salaad ah lagu qabanin masaajidda iyo meelaha kale ee lagu dukado, sida ku cad warqad wareegto ah oo kasoo baxday Wasiir Sheekh Cabduladiif Al-Asheekh.

Tillaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha lagaga hortegayo faafitaanka cudurka Covid-19, iyadoo la diiddan yahay inay dadku iskugu soo baxaan masaajidda.

Sucuudiga ayaa ka mid ah dalalka berri ciidi doona haddii ALLE idmo.

Hadalsame Media