SAWIRRO: Arrin saamayn xun ku reebaysa DHALLAANKA oo Somalia ka jirta (DF & Maamullada oo ay tahay inay tillaabo ka qaadaan)

0

(Muqdisho) 23 Maajo 2020 – Waxaa lagu jiraa xilligii Ciidul Fidriga Soonfurka oo ka mid ah labada Ciidood ee ugu waawayn Muslimiinta, taasoo lagu maamuuso dhamaadka bisha barakaysan ee Ramadaanka oo dunida inteeda badan maanta ugu eg.

Yeelkeede, meelaha laga dabbaaldegayo waxaa ka mid ah dalka Somalia, inta badanna qaababka iyo waxyaabaha loogu dabbaaldego qaarkood kama muuqato istaraatijiyad wanaagsan oo dhallaanka anfacaysa.

Da’yarta ayaa sanad kasta xilligan oo kale waxaa fursad loo siiyaa fursad loo siyaa inay ka qayb qaataan farxadda Ciidul Fidriga.

Waxaa se suuqyada lagu soo fasaxaa kumannaan sheey oo ah qoryo boombale ah oo ay qaarkood leeyihiin baaruud wax u dhinta indha ilmo badan oo isku rida, iyada oo aysan waalidiintu siinin hab-raacyo adag oo halista lagu xakamaynayo.

Waxaa intaa dheer in carruur ku barbaaraysa goob ay markii horeba ka jireen dagaallo gacan ka hadal ah oo micne darro ah fursad loo siiyo inay isu sii diyaariyaan sidii ay ku noqon lahaayeen xaabadii berri lagu shidi lahaa dagaalladaasi.

DF, Maamullada Somalia ka jira iyo ganacsatada waxaa uu waajib akhlaaqi ah iyo mid istaraatiji ihi ka saaran yahay in arrintan sida ugu dhaqsaha badan wax looga qabto, oo da’yarta lagu ciyaarsiiyo wax caqligooda iyo garaadkooda kobcinaya oo silmi ah.

Hadalsame Media