Ciidamada GNA oo maanta oo qura 4 saldhig ka qabsaday kuwa Xaftar (Pantsir-yo kale oo ay gubeen?)

0

(Tripoli) 23 Maajo 2020 – Ciidamada Dowladda la aqoonsan yahay ee GNA ayaa weli sii baacsanaysa Ciidamada LNA ee hoos taga Khaliifa Xaftar oo iminka cagta dambe ku taagan.

Kaddib markii ay la wareegeen saldhigyada ciidan iyo magaalooyinka Tikbali, Hamza iyo Yarmouk oo dhaca Koonfurta Tripoli, waxay Ciidamada GNA iminka qabsadeen saldhigga Sawarikh.

Ciidamada GNA oo u muuqda kuwo mooral jabay oo uu taliskoodii dhexe ee isku xirayey uu furfurmay sidii tusbax go’ay ayaa laga laayey malliishiyaad calooshood u shaqaystayaal ah oo Ruushan ah, gaar ahaan kooxda Wagner Group.

Wasaarad Dibadeedka Libya ayaa sheegtay inay ururisay dokumentiyada maliishiyadan shisheeyaha ah oo ay deeto u gudbin doonto Golaha Amaanka ee QM, taasoo ay horay ugu bandhigtay cadaymo ka dhan ah Imaaraadka iyo dalal kale oo taageera Khaliifa Xaftar.

Ciidamada GNA ayaa dhowr maalmood uun kahor waxay kuwa LNA ka saareen Saldhig-cireedka muhimka ah ee A-Watiya oo ay 6 sanadood haysteen Ciidamada Xaftar, waxayna sidoo kale sheegteen inay 7 Pantsir-S burburiyeen 48-dii saacadood ee ugu dambeeyay.

Hadalsame Media