DAAWO: ”Meel kasta waxaan ka maqlayey ooyin balse waxba uma jeedin!” – Laba nin oo ka badbaadey dayuuraddii shalay burburtay oo bixiyey xog cabsi leh (Maxaa dhacay intaysan dhicin?)

0

(Karachi) 23 Maajo 2020 – Liiska rakaabka dayuuraddii shalay dhacday ee Pakistan International Airlines Airbus A320 ayaa laga helay halka ay fadhiyeen laba nin oo ka badbaaddey dayuuraddaasi oo ku burburtay xaafad ku taalla Karachi.

19 ka mid ah 97 qof oo mayd ah oo saarnaa dayuuraddan oo la sheegay inuu matoorku ka cilladoobey ayaa la bar gartay waxaana lagu wareejiyey eheladoodii saaka subixii.

Yeelkeede, waxaa la hadal hayaa laba nin oo shilkaa ka badbaadey – Madaxwaynaha Bankiiga Punjab, Zafar Masud, oo fadhiyey kursiga 1C oo gudaha soo xiga, kaasoo sawirkiisa la arki akro iyada oo burburka laga soo saarayo.

Ninka 2-aad waa Injineer Mohammad Zubair, 24-jir, isna fadhiyey 10C oo isna ah kursi gudaha ama luuqa socodka soo xiga, waloow aysan isku saf ahayn ninka kale, ayaa wuxuu dadka kula hadlay muuqaal baraha bulshada lagu faafinayo iminka.

”Markii ay meesha ku dhacday oo aan soo miraabay, waxaa meel kasta ka holcayey dab, waxbana looma jeedin,” ayuu yiri Zubair.

”Meel kasta ooyin ayaa ka yeereeysey, carruur iyo dad waawaynba, qof kastana wuxuu isku dayayey inuu badbaado. Suunka markii aan iska furay waxaan arkay iftiin yar, dhankeeda ayaan aadey kaddib sidaas ayaan bannaanka ugu soo baxay,” ayuu raaciyey.

Injineer Zubair, oo la hadlay Geo News ayaa kashifay arrin aan la ogayn oo ah in uu duuliyuhu mar isku dayey inuu dayuuradda dejiyo, isla markaana uu cagaha dhulka saaray, balse uu markale duulay.

Kaddib 10 daqiiqo ayuu misna rakaabka u sheegay inuu isku deyayo inuu markale dego, kaddibna wuxuu ku dhacay xaafad dhinaca ku haysa Garoonka Karachi, sida uu sheegay Zubair oo saaran sariirta Civil Hospital Karachi, isla markaana jab qaba, balse caafimaadkiisu wanaagsan yahay.

Hadalsame Media