MX Karaash oo gaashaanka u daruuray isku shaandhayn uu sameeyey MW Deni & khilaafka oo sii laxaadsadey

0

(Garoowe) 23 Maajo 2020 – Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland oo buriyey Isku Shaandheyntii Golaha Wasiirada ee uu Shaaciyey Madaxwayne Deni.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Axmed Cilmi Karaash ayaa war-saxaafeed lagu shaaciyey boggiisa Facebook ku qaadacay isku shaandheyn uu Golaha Wasiirada ku sameeyey Madaxweyne Siciid Cabdillahi Deni habeenimadii xalay.

Isku shaandeynta Golaha Wasiirada ayaa warqadda ka soo baxday Xafiiska Deni lagu sheegay in ay ku timi wadatashi lagala sameeyey ku xigeenkiisa taas oo uu hadda beeniyey Axmed Karaash.

War-saxaafadeedka Karaash ayaa circa ku toleysa khilaafkii maalmahan dambe sii xoogeysanayey ee u dhexeeyey labada mas’uul ee ugu sarreeya maamulka Puntland.

Warar hoose ee ay heshay shabakadda Hadalsame ayaa sheegaya in ay u badan tahay in uu meesha ugu dambeyn ka bixi doono Madaxweyne ku xigeenka oo uu dagaalka ku guuleysan doono Madaxweyne Deni.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Kaafi

Hadalsame Media