Maxaa ka jira in xalay meerayaal bishii la moodey (Xog yaab leh oo dhanka Cilmu-falagga ah))

0

(Abuu Dabeey) 23 Maajo 2020 – Waxaa xalay Somalia xilli dambe kasoo baxay war sheegayey inay berri oo maanta ahayd ay tahay maalinta 1-aad ee Ciidda Soonfur, yeelkeede, arrintaasi dood dheer ayay abuurtay.

Rugta Cilmi-falagga ee Imaaraadka oo aad ula socota meerayaasha ku socda hawada sare ayaa iyaduna kaga sii dartay shakigii jirey, iyadoo soo qortay:

”Waxaa xalay jirey dalal Afrikaan ah oo ku dhawaaqay inay fiidnimadii Jimcaha bishii arkeen, tiiyoo ay jirto inay bishu qorraxdaba ka hor dhacday dalal badan oo Muslim ah,”

”Waxaa xusid mudan in meerayaasha Venus iyo Mercury ay xilligaa fiid-cowlka ahayd ay dul taagnaayeen fogaha ama ili-ku-miriqdayga galbeed sida sawirka ka muuqata. Taas ayayna sababtu noqon kartaa.” ayay raacisay Rugta Cilmi-falaggu.

Dalalka Muslimka ayaa maanta wada soomanaa marka laga reebo Somalia.

Hadalsame Media