DAAWO: Ma malayn kartid sida loo qurxiyey FADHIGA Tiyaatarka Qaranka + Sawirro xul ah

0

(Muqdisho) 21 Maajo 2020 – Waxaa soconaya dayactir ballaaran oo dhinac walba ah oo lagu samaynayo Tiyaatarka Qaranka ee ku yaalla caasimadda Somalia ee Muqdisho.

Muuqaal uu Cabdinaasir Sola kasoo qabtay gudaha Tiyaatarka ayaa muujinaya sida wanaagsan ee ay iminka u socoto howsha dayactirku, iyadoo qaybta fadhiga lagu xirey kuraasi casri ah, isla markaana loo sameeyey naqshad soo jeedisho leh oo ay xifradi ka muuqato.

Waxaa sidoo kale dayactar iyo qurxin lagu wadaa masraxa loogu tala galay in la istaago oo lagu dhejin doono agabka maqalka iyo muuqaalka caawiya, si ay dadku u helaan maqal iyo muuqaal tayo leh.

Waxaa gudaha Tiyaatarka laga furay xafiisyadii ay ku shaqaynayeen maamulka fanaaniinta iyo kuwa dowladda ee qaabilsan dhanka madadaalada iyo fanka.

Halkan hoose ka DAAWO Tiyaatarka oo goor dhow lagu wado in albaabbada loo ballaqo.

Muuqaal muujinaya xilligii uu burbursanaa

Hadalsame Media