”Waa dhimrin la’aan & faham darro!” – Arrin uu xalay ku dhaqaaqay Maamulka Gobolka Banaadir oo la dhaliilay (Arag sawirrada)

0

(Muqdisho) 21 Maajo 2020 – Sida meelaha qaar ee baraha bulshada lagu shaaciyey Maamulka Gobolka Benadir ayaa xalay iska rogooyinka qashinka qaada ku uruursaday miisas iyo kuraas.

Miisaaskaas waxa ay ahaayeen ilo dhaqaale oo ay ku tiirsan yihiin kumanaan qoys maadama lagu iibin jiray Hilibka, Qudaarta iyo Jaadka/Qaadka.

Go’aanka Maamulka Gobolka waxaa lagu sheegay soo celinta bilicda Caasimadda, dabcan waa shaqo ka mida kuwa loo igmaday, hase yeeshee u baahan waqti iyo ka fiirsasho badan.

30-kii sano ee tagay ka hooyooyinka Soomaaliyeed inta badan iyaga ayaa gacanta ku hayey quntulyoonka, caafimaad ka iyo waxbarashada ubadka Soomaaliyeed.

Meelaha ee ay aadka ugu tiirsan yihiin ilaa iyo maanta waxaa ka mid ah iibinta hilibka oo ay kawaanka, suuqa iyo laamiyadaba ku iibiyaan.

Qaadka ama Jaadka ayaa isna laf-dhabar u ah qoysas badan oo Soomaaliyeed oo haddii la joojiyo dabku ka damayo.

Waa go’aan naxariista ka fog in hal habeen lagu bur buriyo nolosha qoysas danyar ah oo ay ma mid yihiin hooyooyin agoon haysta.

Qoysaskaas oo uu hore saameyn ugu yeeshay cudurka Corona Virus, bandowyadii la soo rogay iyo qaadkii la joojiyey yaan la dhibaateyn iyada oo aan badal loo helin.

Maamulka Gobolka haka fekero tallaabooyinka noocaas ah, qorshahana haku darsado “Sidee xeero lagu xagtaa ilkana ku nabad galaan”.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Kaafi

Hadalsame Media

Facebook Comments