”Annagu ma noqonayno jid loo maro xiriirka Israel!” – Maamulka Falastiin oo diidey deeqdii ka timid Imaaraadka!

0

(Daanta Galbeed) 21 Maajo 2020 – Dowladda Falastiin ayaa diiddey inay qaadato shixnad gargaar caafimaad ah oo ay Imaaraadku ugu tala galeen, sida ay sheegtay Wakaalad Wareedka Falastiin ee Maan News Agency oo aad ugu dhow Maamulkaasi.

Diidamada ayaa loo cuskaday in Imaaraadku ay u mareen waddo khaldan oo ah dhanka Israel, tiiyoo ay weliba jirto in Imaaraadku aanu xiriir diblomaasi oo rasmi ah la lahayn Tel Aviv.

“Imaaraadka lama soo xiriirin Maamulka Falastiin, kahor intii aanay gargaarka soo dirin. Falastiin ma ogola in laga dhigto buundo loo maro xiriirka ay Imaaraadku ka doonayaan Israel,” ayay wakaaladdu kasoo xigatey ilo ku dhow Maamulka Falastiin.

Waxay sheegeen in gargaar kasta oo loo dirayo Falastiin marka koowaad lagala soo xiriiro Maamulka Falastiin, iyagoo sheegay in Imaaraadku uu tillaabadan ku qarinayo ujeeddo kale oo ah inuu ”caadiyeeyo xiriirka uu la leeyahay Israel.”

Marka laga reebo Urdun iyo Masar oo Israel la heshiiyey 1994-kii iyo 1978-kii, sida ay u kala horreeyaan, dalka kastoo kale oo Carbeed wuu dafiraa inuu xiriir diblomaasi la leeyahay Israel oo sharci darro ku haysata dhulka reer Falastiin.

Hadalsame Media