Masar & Maraykanka oo madaxa iskula jira (Digniin loo diray & sababta)

0

(Qaahira) 19 Maajo 2020 – Washington ayaa horay ugu gooddisey inay cunaqabatayn ku garaaci doonto dalka Masar haddii ay gacanta ku dhigto dayuuradda Sukhoi Su-35.

Ha yeeshee, sida lagu faafiyey hilin wareedka Russia Today (RT) Masar waxay diyaar u tahay inay qorsheheeda kusii socoto tiiyoo ay jirto hanjabaadda Maraykanka, taasoo kasoo baxday Wasiir Dibadeedka Maraykanka, Mike Pompeo, isagoo daliishanaya Xeerka Adversaries Through Sanctions Act.

Khubaro hadashay ayaa sheegtay in haddii ay Masar midigta ku dhigto miigga Su-35 ee Ruush sameega ah ay taasi dheelli gelinayso miisaanka awood cireed ee gobolka, maadaama ay dayuuraddani ka mid tahay kuwa ugu heer sarreeya caalamka.

Sida uu qoray warqaadka Ruushanka ah ee Rossiiskaya Gazeta, falanqayn aragtiyeed la sameeyey ayaa muujinaysa in Su-35 ay ka itaal roon tahay dayuuradaha F-15 iyo F-22 ee Maraykan sameega ah.

Wakaalad Wareedka TASS ayaa iyada oo soo xiganaysa ilo diblomaasiyadeed werinaysa, in Ruushanku uu durba bilaabay farsamaynta jiilkii ugu dambeeyey ee Su-35 oo u socda dalka Masar, sida ku cad qandaraas lagu galay Qaahira oo dhexsaday sharikadda Rosoboronexport iyo Masar 2018-kii.

Miigga Su-35 fighter oo ah jiilka 4++ ayay Galbeedku halis istaraatiji ah oo cireed u arkaan marka loo eego dayuuradaha aynigiisa ah ee F-15 Eagle, F/A-18, iyo xitaa jiilka 5-aad ee F-35, oo ay Ruushku sheegeen inuu yahay Sukhoi Su-27 oo la sameeyey 1988-kii oo la maduufikeeyey.

Hadalsame Media