Turkiga oo sidii Faramagoogo isugu fidinaya Badda Cadda & xulufada Sucuudiga oo ka walaacsan (Iminka iyo Yaman)

0

(Shabwa) 19 Maajo 2020 – Waxaa sii kordhaysa saamaynta Turkiga ee Badda Cas, gaar ahaan Koonfurta, taasoo kicinaysa walaac amaan oo ka kaca Gacanka Cadmeed iyo Marinka Bab al-Mandab.

Waxaa walaacan sii jibbaarey markii ay soo baxday in ay Qadar maalgelinayso qorshaha Turkiga ee Yaman iyadoo la marayo siyaasiyiinta iyo qabaa’ilka xiriirka la leh Ikhwaanul Muslimiinta.

Turkiga ayaa la sheegay inuu abuurayo siyaasad uu ku guulguulayo isbahaysiga ay hoggaaminayaan Sucuudiga iyo Imaaraadka oo uu ka dul dhisayo mid kale oo ay ku jiraan dalal ay ka mid yihiin Cumaan, Qadar iyo qaar kale.

Turkey ayaa sugaya xilliga ku habboon ee uu turubkiisa tuuran karo, isagoo doonaya inuu la xirto Dowladda la aqoonsan yahay balse dibed joogga ah ee Abd Rabbo Mansour Hadi kahor inta aanu gudaha gelin.

Turkiga oo qaadaya tillaabooyin qarsoodi ah oo taxaddar badan ayaa haatan u badan magaalo xeebeedyada Yaman sida: Shabwa, Socotra, iyo Degmada Al-Mukha oo ka tirsan Tacis, sida lagu helay xog hoose.

Warqaadka Arab Weekly ayaa qoraya in ay sirdoonka Turkigu durba joogaan Shabwa iyagoo ku hoos jira hay’adda gargaarka ee Turkish Humanitarian Relief Organisation (IHH), oo ay joogtey tan iyo markii ay qabsadeen Ikhwaanul Muslimiinku bishii Agoosto ee kal hore.

Turkiga oo saldhigyo ku leh Jabuuti iyo Somalia oo dhinaca kale ka deggan Badda Cas, isla markaana ku sugan jasiiradda Sudan ee bartamaha Badd Cas ee Suakin, ayaa doonaya inuu saamayn wayn ku yeesho Badda Cas.

Hadalsame Media