”Waxay qubayaan dhiiggeenna!” – Libya oo ka fikiraysa inay Maxkamad caalami ah la fuusho Imaaraadka Carabta!

0

(Tripoli) 18 Maajo 2020 – Xubin ka tirsan Golaha u taliya dalka Libya ayaa ku baaqay in xiriirka loo jaro Imaaraadka Carabta oo uu ku eedeeyay inuu si furan u taageerayo hoggaamiye kooxeedka Khaliifa Xaftar oo nabaddii u diiddan Libya.

Warqad uu ku hagaajiyey RW Fayez al-Sarraj, ayuu Mohamed Amaria Zayed wuxuu Imaaraadka ku tilmaamay ”dal dulmiloow ah” oo ku tumanaya madax bannaanida Libya.

“Inaan ka aamusno dembiyada dalkan waxay ka dhigan tahay annaga oo iloowna dhiigga shuhadada,” ayuu ku yiri warqadda.

Zayed ayaa ku baaqay in si loo joojiyo ”dhiigga ku qubanaya gudaha Libya ay “Imaaraadka la koraan maxkamadaha caalami ah” oo ay dalkan Khaliijiga ah ula dhaqmaan “sidii cadow”.

Imaaraadka ayaa taageera Xaftar isagoo doonaya in la rido dowladda ay soo doorteen shacabka Libya si ay dalkaa ugu gacan geliyaan kali taliye macangag ah, kaasoo ay shalay 7 qof oo rayid ihi ku dhinteen madaafiic uu la dhacay caasimadda Tripoli, waloow ciidamadiisa looga itaal roonaaday dagaalladii ugu dambeeyey.

Hadalsame Media