Saxaafadda Talyaaniga oo weerarkii shalay lagu diley Guddoonkii Mudug ku xiriirisey arrinta Silvia Romano!

0

(Roma) 18 Maajo 2020 – Waxaa shalay Gaalkacyo ka dhacay weerar lagu khaarajiyey Guddoomiyihii Mudug qaybta Puntland, kaasoo ay sheegatay kooxda Al Shabaab.

Yeelkeede, saxaafadda Talyaaniga ayaa soo qaadatay in ay kooxdani ay sidoo kale Khamiistii weerartay ciidan deggan Balli Khadar oo u dhexeeya Bosaaso iyo Galgala, halkaasoo ay ku dhinteen hal askari iyo 3 Shabaab ah, sida ku qoran Il Giornale.

Wargayska oo sii hadlaya ayaa xiriir toos ah u sameeyey weerarka shalay lagu diley Guddoonkii Axmed Muuse Nuur oo ay sheegeen in la maleegey hal todobaad uun kaddib markii malaayiin lagu sii daayey malaayiin madax furasho ah, sida ay sheegeen.

Yeelkeede, kooxda Shabaabka ayaa horay u beenisey war uu qoray La Repubblica oo sheegayey inuu afhayeenka kooxdaasi sheegay inay madax furasho kusii daayeen Silvia.

Hadalsame Media