Shabaabka oo Kenya ka sameeyay arrin ay KDF Somalia ka fulin jireen (Weerar cireed dhacay)

0

(Wajeer) 18 Maajo 2020 – Ciidamada Xoogga Kenya (KDF) ayaa xalay weerar cirka ah ku qaaday dalka Somalia, kaddib markii ay kooxda Al-Shabaab shalay soo weerartay Saldhigga Booliis ee Khorof Xaraar Police Post ee Wajeer.

Sida laga soo xigtey saraakiil amaan, weerar cireedkan ayaa lala eegtay bartilmaameedyo ay ku ”dhuuntaan” kooxda Al Shabaab kuwaasoo ku dherersan xadka, sida warka lagu yiri.

Taliyaha Booliiska Wajeer County, Thomas Ngeywa, ayaa sheegay in ay argagixisada u gaysteen waxyeello aanu tiradeeda sheegin, sida uu yiri.

Kooxda Shabaab ayaa weerarkii shalay ku burburisey anteenada Safaricom wax loo qaatay inay ku doonayeen inay ku jaraan khadka isgaasrsiinta, iyagoo Booliiska ka dhacay 3 qori.

Kooxdan ayaa sidoo kale qaraxyo macmal ah (IEDs) dhigtay jidka Qarsa-Konton, kaasoo la sheegay inuu ku qarxay saraakiil booliis ah oo gaari watey.

Kenya ayaa sheegtay inay kordhinayso weerarrada ka dhanka ah Shabaabka oo iyaguna sanadkan kordhiyey kuwa ay ku qaadaan Kenya, iyadoo ay Khorof Xaraar tahay meelaha ugu daran. Waxay 30 KM u jirtaa ”xadka.”

Hadalsame Media