DAAWO: Shiinaha oo saameeyay RAADAAR arkaya diyaaradaha raadaarka ka dhuunta ee Maraykanka (Shil dhacay!)

0

(Caracas) 17 Maajo 2020 – Raadaarka Shiine-sameega ah ee JY-27 oo la siiyey Ciidamada Cirka Venezuela ayaa arkay dayuuradda uu Maraykanku xitaa dunidii kale iibkeeda u diidey ee F-22 Raptor oo ku suntan inaanu jirin raadaar arki kara, iyagoo weliba digniin u diray dayuuraddan oo is leh laguma arko.

Sida ku qoran Avia Pro, Ciidanka Cirka Venezuela ayaa dayuuradda u sheegay in marka 2-aad ee ay la hadlaan ay kula kalaami doonaan luuqadda gantaalaha oo ay jawaabtu noqon doonto, haddii aysan dhaqse uga bixinn hawada dalkaasi Venezuela ee ay kusoo xad-gudubtey.

Waxaa Maraykanka xanuun kale ku noqotay in raadaarka lagu ogaadey dayuuraddani uu yahay midka uu Shiinuhu – oo ah dalka la saadaalinayo inay caalamku ku xafiiltami doonaan sanadaha soo aaddan – uu sameeyo ee JY-27.

Raadaarkan Shiinaha ee JY-27 oo lagu naanayso ‘Salliga Fidsan’ ayaa ah nooca digniinaha hore bixiya isagoo dayuuradaha ka arki kara gacan (radius) wareeggiisu gaarayo fogaan dhan 500 oo km.

Halkan ka dhegeyso kana daawo warbixinta oo dhamaystiran oo uu arrintan ka diyaariyey Maxamed Xaaji.

Hadalsame Media