SAWIRRO: Safaaradaha Somalia ee caalamka oo hal arrin oo lala yaabban yahay u sameeya MW Farmaajo (Bal arag yaabkan)

0

(Hadalsame) 18 Maajo 2020 – Waxaa beri dhowayd magaalada Muqdisho ka dhacay dibad baxyo foowdo ahaa oo markii hore ka kacay laba qofood oo si kas ah uu u diley askari ka tirsan DF Somalia, kuwaasoo hor fadhiyey gurigooda oo ku yaalla Boondheere.

Waxaa ay dadwaynuhu aad ugu doodeen uguna qaybsameen sawirrada madaxda sare ee dowladda gaar ahaan Madaxwayne Farmaajo oo la jeexjeexay, iyadoo maalmihii xigey la arkayey sawirradii oo dib loo surayo goobihii laga dejiyey, taasoo keentay in dad markii hore sheekada u arkayey wax aan micne ku fadhiyin iyo sawirro hore ay markale is waydiiyaan ujeedka sawirrada iyo muhiimadda gaarka ah ee ay leeyihiin.

Yeelkeede, waxaa iminka caddaatay arrin kale, Safaaradaha Somalia dibedaha u jooga oo aan inta badan dhib mooyee aan dheef kusoo kordhin Soomaalida ayaa inta badan ka siman hal arrin; inay foolka sare saartaan Madaxwaynaha Somalia, Md Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kaaga darane haddii la is oran lahaa mid iyo laba ayaa sidaa iskood iskaga yeelay, waxay taasi beenoobaysaa marka la eego sida uu sawirkani u yahay hal mid oo qura oo sida muuqata loo qaybiyey Safaaradaha.

Dad badan ayaa is waydiiyey in maadaama uu dalku dimoqraadi yahay aan sideedaba loo baahnayn xitaa in sawirrada madaxda sare min MW, RW ilaa GB la suro xafiisyada dowladda ee maxalliga ah, iskaba daa safaarado dibadeed oo iyadu ka wakiil ah siyaasad la doonayo inay joogto noqoto xukuumad kasta oo xilka haysa.

Dadka qaar waxay soo jeediyeen in haddiiba sawir la saarayo wejiga Twitter-ka safaaradaha laga dhigo sawirka calanka dalka, sida ay samaysay Safaaradda Washington DC ama xitaa qof dalka usoo halgamey ama halgamayaal oo la isku waafaqsan yahay.

Madaxwayne arrintan haddii aad fartay iyo haddii kaleba arrin loo baahan yahay ma aha, weliba marka la eego sida loogu xil hayo xukuumadda hadda jirta oo isbedello badan oo horusocod ah laga filayey.

Halkan hoose ka eeg Safaaradaha oo aannu kasoo qaadnay sawirro.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media