Ciidamada Libya oo soo bandhigay Pantsir-kii 2-aad ee uu Imaaraadku siiyey Xaftar oo ay qabsadeen + Sawirro

0

(Tripoli) 18 Maajo 2020 – Ciidamada Dowladda la aqoonsan yahay ee GNA ee Libya ayaa si rasmi ah maanta ula wareegey saldhig cireedkii beryahan lagu dagaallamayey ee Al-Watiya, halkaasoo ay ku sugnaayeen Ciidanka Khaliifa Xaftar oo dorraad looga burburiyey hannaanka Panstir.

Waxaa ay wararku xilligaa sheegayeen in Imaaraadku ay halkaa geeyeen laba Pantsir oo uu midkood yahay midka lagu burburiyey daroonnada Turkigu sameeyo.

Waxaa warkaa xaqiijiyey Afhayeenka Millateriga Libya, Gaashaanle Mohamed Ganunu, oo sheegay in midka 1-aad lala helay 3 gantaal oo laga soo ganay daroonnada is wada ee Turkiga.

Yeelkeede, Ciidamada Dowladda Libya ee GNA ayaa iminka soo bandhigay midkii 2-aad oo ay ku qabsadeen dagaalkii ay maanta kula wareegeen Al-Watiya oo looga duuli jirey Tripoli, kaasoo ay iminka isaga oo abraar lagu walwaalayo ay wareejinayaan waddooyinka magaalada Zawiya, si ay dadwaynaha u tusaan.

Pansir-kan laftiisa ayaa u muuqda mid qayb ahaan guban, balse weli is haysta.

Hadalsame Media