QM oo ogaatey hub uu Imaaraadku ku daabulayo Libya (Inta duullimaad & dariiqa uu maro)

0

(New York) 18 Maajo 2020 – Warbixin qarsoodi ah oo ay leedahay QM ayaa muujinaysa in Imaaraadku uu saanado hub ah hawada u mariyo Sarreeye Guuto Khalifa Haftar-ka Libya, taasoo jebinaysa cunaqabataynta hubka ee saaran dalkaasi, sida ay faafinayso Bloomberg.

Warbixintan ayaa intaa raacinaysa in ay guddi xaqiiqo raadin ah oo ka socda QM una xil saaran la socoshada cunaqabataynta ay ogaadeen in Imaaraadku uu 37 duullimaad hub ugu daabulay ciidamada Xaftar.

Waxaa ay warbixintu qeexaysaa in duullimaadyadaa ay sameeyeen sharikaad ka kala diiwaan gashann Imaaraadka, Kazakhstan iyo jasaa’irka British Virgin Islands.

QM ayaa sidoo kale ogaatey in Imaaraadku uu kordhiyey duullimaadyo qarsoodi ah oo marka hore ku dega Eritrea kaddiba u duula garoomo uu maamulo dagaal ooge Xaftar, oo doonaya inuu tuuro Dowladda ay QM aqoonsan tahay ee GNA.

Danjiraha Imaaraadka u fadhiya QM, Lana Zaki Nusseibeh,ayaa sheegtay in eedaymahaasi ay waxba kama jiraan yihiin.

Lama oga tillaabada xigta ee ay qaadayso QM oo lagu eedeeyey inay muddo dheer ka aamusan tahay dagaallada ka socda Libya oo iminka ku liicay Xaftar lafiisa tan iyo markii uu Turkigu u gurmadey Dowladda GNA.

Hadalsame Media

Facebook Comments