KULAYLKA KAROONAHA: Juventus oo dhaqaale xumo dartii u iibinaysa laacibiin laf-dhabar ah (Yaa ka mid ah?)

0

(Torino) 18 Maajo 2020 – Kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa lagu wadaa inay fasaxayso laacibiinta Miralem Pjanic, Douglas Costa, Gonzalo Higuain iyo Sami Khedira xagaagan, wax qayb ka ah gunti isku giijin maaliyadeed oo uu sabab u yahay coronavirus.

Fabio Paratici, oo ah Agaasimaha Guud ee naadiga, ayaa dabaqi doona hab-raac cusub oo dhigaya in aan laacibna mushaarkiisu ka sara marin €6milyan oo euro (£5.3milyan oo gini).

Qaar badan oo ka tirsan safka 1-aad ee Juve ayaa se qaata lacag middaa aad uga badan, waxayna kooxdu far muuqatay ilaa 4 laacib oo uu iibkoodu xanuun badan yahay, balse aan la huraynin, si ay Juventus ula xaasho dhaqaale darrada karoonuhu keenay.

Tusaale, Pjanic waa 30-jir qaata €6.5milyan oo euro (£5.8milyan) sanadkii.  Douglas Costa €6milyan oo euro (£5.3milyan) ayuu jeebka ku ritaa.

Higuain ayaa kasbada €7.5 milyan oo euro, halka uu Sami Khedira qaato €6milyan oo euro.

Juve ayaa doonaysa in xitaa haddii aanay lacag badan ku helin laacibiintan ay ka takhalusto mushaarkooda qaaliga ah oo markii lagu daro kharashaadka raacaya kala bar ka bad inta hadda qoran.

Hadalsame Media