DAAWO: Dayuurado dadka niyadda u dhisi lahaa oo niyad-jab hor leh sababay (Dhimasho iyo dhaawac dhacay)

0

(Kamloops) 18 Maajo 2020 – Dayuurado ay leeyihiin Ciidanka Cirka Canada oo loo kiciyey inay dadka hawada ku ciyaarsiiyaan si baa la yiri ay sare ugu qaadaan shucuurta dadka ka shaqaynaya caafimaadka, ayaa khasaare ku dhamaatay iyadoo uu hal duuliye dhintay mid kalena uu si xun u dhaawacmay.

Muuqaal uu qof daawade ihi duubay ayaa muujinaya dayuurad ka mid ah kooxda qaalma-rogadka hawada sameeya ee Snowbirds’ Canadair Tutor oo ah hal-matoorreey ka duulaysa garoonka Kamloops Airport ee gobolka British Columbia.

Mid ka mid ah laba dayuuradood ayaa isla markii ay hawada gashayba waxaa ka lumay miisaankii, iyadoo uu ka dhex dhacayo wax qarax u eg kahor inta aanay dhulka kusoo dhicin, balse taasi waa wax loo malaynayo duuliyihii oo ka goosanaya dayuuradda, kahor inta aysan ku mirqin geedo dhexdood, iyadoo qarax la maqlayo.

Saraakiisha Kamloops – oo ah magaalo 320km (200 mayl) woqooyi bari kaga beegan Vancouver oo ah gobollada xiga Woqooyi Galbeed Canada, ayaa sheegay inay dayuuraddu ku dhex dhacday meel degaan ah, kaddibna uu dab ka kacay.

“Hal qof ayaa ka dhintay Ciidanka Cirka, midna waxaa gaarey dhaawac daran,” ayay Ciidanka Cirka Canada ee CAF ku xaqiijiyeen Twitter-ka.

10-kii bishan mar ay dul marayeen Toronto

Hadalsame Media