”Waan kula jirnaa!” – Gabdhaha Talyaaniga oo taageero u muujiyey Silvia Romano

0

(Milano) 17 Maajo 2020 – Waxaa Talyaaniga ka socda hashtag cusub oo la yiraahdo #iostoconsilvia ama ”anigu waxaan la jiraa Silvia”, kaasoo ay haweenka Talyaaniga oo diin kasta haystaa ay hiillo ugu muujinayaan Silvia Romano oo dhowaan sheegtay inay Muslimtay kaddib markii laga soo furtay qafaashayaal Somalia ku haystey 18 bilood.

Kooxdan oo la yiraahdo Spiritu’ELLE Attitude oo ah guruub ay sameeysay (Imane by @wehavenoidea), si ay dadku u bartaan Islaamka dhabta ah oo uga tagaan ku tiri kuteenta iyo sheekooyinka magac dilka ah ee laga sameeyo Muslimiinta ayaa lagu dhaliilay weerarka lagu qaaday Caa’isha.

“Kaddib markii aannu akhrinnay dhaliilo badan oo loo jeediyey Silvia, waxaannu doonaynaa in aannu taageero u muujinno, waxaana sameeynay hashtag la yiraahdo #iosonoconsilvia.” ayay yiraahdeen.

Imane oo ah gabar asal Marookaan balse Talyaaniga ku dhalatay, haatanna deggan Faransiiska ayaa raacisay.

“Haddii ay dad badani ku dhaleeceeyeen, waxaa jira dad badan oo ku taageersan. Waa meeshaas halka ay tahay inaad eegto,” iyadoo raacisay erayo Sawaaxili ah. ”Wax kasta dhag bay noqonayaan, mahadsanid (Kila kitu kitakuwa sawa Asante sana Silvia).”

Hashtag-gan ayaa raacay tillaabo kale oo ay beri dhowayd qaadeen Muslimiinta Talyaaniga oo muuqaal taageero ahaa usoo duubay Caa’isha.

Hadalsame Media