War cusub oo kasoo kordhay geerida Danjirihii Shiinaha ee Israel (Dal ay isku dhegganaayeen Danjiraha)

0

(Tel Aviv) 17 Maajo 2020 – Waxaa si soo booddo ama faj’o ah u geeriyoodey Danjirihii Shiinaha u joogey Israel, kaasoo iminka la sheegayo inuu WADNUHU istaagey, iyadoo laga helay sariirtiisa isaga oo aysan wax dhibbaan ihi jirkiisa ka muuqan.

Danjire Du Wei oo 58-jir ahaa maydkiisana laga helay Herzliya oo dhacda afaafka laga soo galo caasimadda Tel Aviv ayay booliisku ku gaabsadeen inay baarayaan sababta geeridiisa.

Du, oo ka tegey xaas iyo hal wiil, xilka Safaaraddana loo dhaariyey bishii Febraayo ee sanadkan, ayaa la sheegay inuu hurdada ku rawaxay.

Chinese Ambassador to Israel Du Wei.

Yeelkeede, waxaa jirtey inay Safaaradda Shiinaha beryihii dhowaa isku dheganaayeen Maraykanka oo sheegay inuu ka ”walaacsan yahay” maalgashiga Shiinaha ee Israel.

Jimcihii, waxay Safaaradda Shiinaha ee Israel ka jawaabtey dhaleeceeyn kasoo yeertey Wasiir Dibadeedka Maraykanka, Mike Pompeo, oo todobaadkii tegey halkaa booqday, kaasoo Shiinaha ku eedeeyay inay kas u qariyeen xogaha dillaaca coronavirus.

Safaaradda ayaa warkaa ku tilmaantay mid aan ”maangal ahayn”, iyadoo ku doodday in “culimada caafimaadku aanay weli meelaynin halka uu ka yimid COVID-19,” isla markaana Maraykanka xusuusisey inuu isagu iminka yahay xuddunta cudurka.

Intaasi waa qayb ku saabsan howlihii ugu dambeeyey ee uu qabanayey diblomaasigii ugu sarreeyey Shiinaha ee dalka Israel.

Safaaradda ayaa sidoo kale ka jawaabtey digiinta Pompeg ee ku aaddan maalgashiga Shiinuhu ku samaysanayo Israel oo uu Maraykanku gunuunuc badan ka muujiyey isagoo ku tilmaamay mid ”keenaya halis dhanka amaanka ah”.

Danjire Du ayaa Israel tegey bartamihii Febraayo isagoo kaddib galay 14-maalmood oo karaantiil ah, waxaana warqadaha diblomaasiyadeed laga qabtay dhamaadkii Maarso, balse lama kulmin MW Israel Reuven Rivlin, sida uu dhaqanka diblomaasigu ahaa.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media