Imisa jeer ayay daroonnada Turkigu sameeyo ay burburiyeen hannaanka Ruushanka ah ee Pantsir?

0

(Hadalsame) 17 Maajo 2020 – Daroonnada Turki sameega ah ee ay haystaan Ciidamada Libya ee GNA ayaa shalay burburiyey hannaanka daafaca cirka ee Ruushku sameeyo ee Pantsir oo isla shalay uun uu Imaaraaadku u geeyey Ciidamada LNA ee hoggaamiye kooxeedka Khalifa Haftar.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay Muhammed Kununu, afhayeenka ciidamada Dowladda ay QM aqoonsan tahay ee GNA, waxaa agabkaa saldhig cireedka al-Watiya Air Base geeyey Imaaraadka oo taageera Xaftar.

Ciidamada GNA ayaa tan iyo markii ay taageero ciidan iyo mid siyaasadeed ka heleen Turkiga waxay dhowr magaalo ka qabsadeen maliishiyada Xaftar, iyagoo qaaday Howlgalka Carada Foolkaanaha, kaasoo ay ku qabsadeen dhowr magaalo.

Yeelkeede, ma aha markii ugu horreeysey ee ay daroonnada Turkigu ay cardaadiqaha ka dhigaan hannaankan Pantsir-S1 Air Defense System (ADS), waayo waxay sidoo kale dabayaaqadii Febraayo burburiyeen kuwa Ciidamada Suuriya ee hoos taga Bashaar Al Asad.

Ciidamada Suuriya ayaa la sheegay inuu Ruushku siiyey ilaa 30-meeyo xabbo oo ah Pantsir, kuwaasoo la siiyey kaddib dhowr weerar oo cirka ah oo lagu qaaday 2018-kii.

Israel ayaa sidoo kale dhowr xabbo oo Pantsir ah ka burburisey ciidamada Asad.

Hadalsame Media