Ma jirey Xisbi siyaasi ah oo SYL ka horreeyey oo laga asaasay geyiga Soomaaliyeed? (Hadda maxaa inoo dan ah?!)

0

(Hadalsame) 17 Maajo 2020 – 15 May 1943 ayay 13 dhallinyaro Soomaaliyeed ahi Muqdisho kaga dhawaaqeen yagleelka Somali Youth Club (SYC).

Guddoomiye waxa ay u doorteen Cabdulqaadir Sheekh Sakhaawa-diin, ku xigeenna Xaaji Maxamad Xuseen, xoghaye guud na Yaasiin Xaaji Cismaan.

Xubnihii aasaaday SYL:
C/qaadir Sheekh Saqaawa-diin,. Maxamed Xirsi Nuur {Siidii}, Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke, Xaaji Maxamed Xuseen Maxamed, Cismaan Geeddi Raage, Dheere Xaaji Dheere, Daahir Xaaji Cusmaan, Cali Xasan Maslax, Maxamed Cali Nuur, Maxamed Faarax Hilowle, Xaaji Maxamed Cabdillaahi {Xayeesi} ,Huudow Macallin Cabdulle iyo Maxamed Cismaan Baarbe .

1947-kii ayaa magacaas SYC loo beddeley SYL. Waxa magac beddelaaddiisa lug ku lahaa laba garyaqaan oo reer Waqooyi ahaa, kana shaqaynayey arrimo dastuurka ku saabsan. Labadaa nin waxa ay kala ahaayeen Maykal Maryama iyo garyaqaan Salool. Tixraac Senator Axmed Xaashi.

11 Jan 1948-kii waxa Muqdisho ka dhacay dagaalkii lagu diley Xaawo Taako iyo dhawr iyo toban qof oo kale oo Taltaani diid ahaa.

1949 waxa dhacay dagaalkii kale Dhagaxtuur isla Muwdisho oo dhawr qof ku naf waayeen oo Ingiriis la dagaallan ahaa.

Abriil 1950-kii Talyaanigaa lagu wareejiyey maamul-gaadhsiintii Koonfur ee 10-ka sano ahayd.

Cabdillaahi Ciise. Ahun, ayaa xukunkaas daakhiliga ahaa madsx u noqday.

28 Febr 1954 ayaa Dhulkii Aagga Kaydsanaa ee Hawd lagu wareejiyey Abasiiniya.

12 Oktoobar 1954 ayaa Calanka la sameeyey. Maxamed Cawaale Liibaan, Ahun, ayaa calanka hindisey.

26 Juun 1960 waxa xoroobey gobolladii Waqooyiga.

1-dii Luulyo 1960 waxa gobannimo gaadhey gobolladii Koonfureed, waxa na isla maalintaas is raacay labadaas gobol ee Soomaaliyeed oo abuuray jamhuuriyaddii Soomaaliyeed (Somali Republic) oo jirtey 1960 -1969.

21 Okt waxa dhacay afgembi. 26 Jan 1991 waxa burburtay dawladnimadii Soomaaliya.

18 May 1991 waxa Waqooyi lagaga dhawaaqay maamul gaar ah, amni guud iyo kala dambayn ayaa ka kufaakacday oo salka dhulka lagu dhigay si guud ahaaneed.

Koonfur na waxa ka sii socday oo ku baahey dagaallo sokeeye oo kala dabeecad ah oo riiq dheeraaday, kala dambayn la’aan iyo is waa’ danni badan abuuray.

16 Febr 2017 waxa madaxweyne loo doortay Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo la kufaakacaya soo noolayntii haykalkii iyo hay’adihii dawladnimo ee ibo-gammuurmay.

Soomaaliya waa ka mid beesha caalamka oo waxa ay soo ceshatey aqoonsigeedii, halka Somaliland oo hsdda isu diyaarinaysa dabbaaldeggii 29 guuradeedii jiritaankeeda, iyada oo ku hungowdey in ka hesho beesha caalamka wax aqoonsi ah.

SYL waxa dhalashadeedii laga joogaa 77 sano. Raggii aasaasay eegga ninna kama moola, Ahun, idilkoode. Waxa se weli nool aragtidii, hawl-galladii iyo ujeeddooyinkoodii oo ahaa;
In Soomaali la xoreeyo, la is la doonto oo la mideeyo, qaranna loo dhiso beddela qabiilka iyo wabyaaladdiisa.

Weli waa la raadinayaa qarankaas oo kacaakuf badani ku yimi oo hanashadiisa laga ma quusan, waxa na lagu jiraa yaboohintiisa.

Dhallinyaradii SYL waxa ay da’doodu u dhexaysey markii ay kaalintaas horseednimo iyo haldoornimo ay qaateen 15 – 21 jir ayay ahaayeen, sida laga weriyey Maxamed Xasan Maslax (Vendura). Qoraal lagu faafiyey Goobjoognews, uu na qoray Cabdicasiis Gurbiye, 15 May 2016.

Laba qolo (da’ faceed) ayaa maanta ugu jeel iyo jacayl badan in ay arkaan qaran iyo dawlad Soomaaliyeed oo macne iyo waxtar leh oo aan ahayn gscan-ku-rimis iyo dhalanteed qosol-ku -jab ah.

Qolo waa dhallinyarada aayatiinkoodii mugdiga la geliyey ee ku dhashay, kuna hanaqaaday dagaallada sokeeye, qoqobka degaan iyo qoloqolaysi ee indhaha la’, kala dambayn la’aanta, tayo xumaanta waxbarasho, shaqo abuur la’aanta iyo qombobka gucummadii dhaqaale iyo rejo la’aanta sii baahaysa ee afka ku soo kala waadaysa. Dhallinyaradu waxa ay naawilayaan in aanay sidan hadda ee foosha xun noloshooda ku dhammaysan ee ay helaan qaran asaagood iyo aynigooda ay ku beegsadaan.

Qolada labaadna waa waayeelka u soo joogey barisamaadkii qarannimada iyo Soomaaliyeed iyo foolxumada maanta ee qaranjabka Soomaaliyeed oo naawilaya in ay dib u arkaan qaran Soomaaliyeed oo neefsanaya inta aanay iilka iyo luxudka u guurin.

Labadaas qolo ba hawl badan baa u tuuran miiska korkiisa, gaar ahaan dhallinyarada oo ah kuwa mustaqbalku u yeedhayo ee ku leeyihiin:

Time and tide wait no for man.
Wakhtiga iyo mawjaddu ninna ma sugaan.

“Taariikhdu waynoo musbaax maanka caawima”.

Bogaadin ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa Qoray: Maxamed Baashe Xaaji Xasan, xiriiriyaha dhaqdhaqaaqa Mar Kale Midnimo

Hadalsame Media