DEG DEG: Daroonnada Turkiga oo burburiyey hannaanka daafaca cirka Pantsir oo uu Imaaraadku rakibayey!

0

(Tripoli) 16 Maajo 2020 – Ciidamada GNA ee raacsan Dowladda ay QM aqoonsan tahay ee Libya ayaa sheegtay inay burburiyeen hannaanka difaaca cirka Ciidamada LNA ee Khaliifa Xaftar.

Dalka Imaaraadka ayaa la sheegay inuu hannaanka Ruush sameega ah ee daafaca cirka ee Pantsir-S1/SA-22 Greyhound usoo iibiyey saldhig cireedka al-Watiyah Airbase.

Yeelkeede, daroonnada Turkiga oo ka war hayey agabkan oo maanta imanayey halkaas ayaa intii aan la rakibin burburiyey.

Warar aan weli la xaqiijinin ayaa sheegaya inay halkaa sidoo kale yaalleen dayuurado ay leeyihiin Ruushka iyo Imaaraadku.

Imaaraadka iyo Masar ayaa taageera hoggaamiye kooxeedka Xaftar, waxaana saldhigga Ciidamada Cirka Masar ee Sidi Barrani Air Base oo ku yaalla Woqooyi Galbeed Masar oo aad ugu dhow xadka Libya aalaaba lagu arkaa dayuuradaha Boeing C-17A Globemaster IIIs oo ay isticmaalaan Ciidamada Cirka Imaaraadka, sida laga heli karo Google Earth.

Halkan hoose ka daawo markii jidka lasoo marinayey….

Hadalsame Media