Dalalka Maraykanka, Jarmanka & Denmark oo ka maarmi waayey dawo ay Afrika soo saartay (Tillaabo ay ku dhaqaaqeen)

0

(Berlin) 16 Maajo 2020 – Saynisyahanno Jarman ah oo ka tirsan Mac’hadka Max Planck Institute of Colloids and Interfaces ee Potsdam ayaa ka mid ah cilmi baarayaal ka socda Germany iyo Denmark oo iyaga oo kaashanaya hay’adda Maraykanka ah ee ArtemiLife waxay baaritaan ku bilaabeen geedka  Artemisia oo iminka loo adeegsado in lagula tacaalo coronavirus.

“Waa daraasaddii ugu horreeysey ee ay cilmi baarayaashu ku eegayaan sida ay dhirtani u shaqeeyso marka lala xiriiriyo COVID-19,” ayuu yiri madaxa daraasadda Peter Seeberger, oo la hadlay DW.

Waxaa la baari walxo laga sooq aaday dhirta Artemisia annua, oo sidoo kale loo yaqaanno sweet wormwood, iyo sidoo kale wax laga soo qaaday geedka artemisinin.

Dhirta Artemisia waxaa muddo dheer lagu dawaynayey mallaariyada ama duumada, iyadoo uu MW Madagascar, Andry Rajoelina uu ku tilmaamay “dawo mucjiso ah” oo dawaysa coronavirus.

Waxaa markaa kaddib dalbaday dalal badan oo Afrikaan ah, halka uu Maareeyaha mac’hadka Malagasy IMRA, Charles Andrianjara, uu si aan kala caddayn uga hadlay “tijaabo ay dad ku sameeyeen”, isagoo isku difaacey inaysan doonayn inay dadka ka wadaagaan qaaciddada samaynta dawadan.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa dawadan dadka uga digtey iyadoo sheegtay inaysan jiri wax caddaynaya inay dawo u tahay karoonaha, iyadoo ay daraasadani tahay tii ugu horreeysey ee caalami ah oo Afrika ka baxsan.

Hadalsame Media